wararka

Wararka Dibada

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 05-05-1440

Barnaamijka Dhacdooyinka dunida islaamka waa todobaadle maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan laguna soo qaato akhbaaraadkii ugu waaweynaa caalamka. Halkan ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 11-01-2019 Halkan ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka 11-01-2019 tayo dhexe Read More »

3 Ruux oo ku dhimtay banaanbaxyo ka dhacay magaalada Umu-darmaan ee Suudaan.

Banaanbaxyo xoogan ayaa maalintii shalay waxay ka dheceen magaalada Umu-darmaan oo kamid ah magaalooyinka dhaca dalka Suudaan, waxaana ka dhashay bananabaxyadaas khasaare dhimasho iyo dhaawacbo leh. Afhayeen u hadlay dhakhaatiirta madax banaan ee dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3 ruux ay xaqiijiyeen iney ku dhinteen banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalada Umu–darmaan. Saraakiisha Police-ka waxay sheegeen in ... Read More »

Kulan Trump iyo Congreska dhexmaray oo Fashil kusoo dhamaaday.

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa kulan la qaatay xubnaha ka kala socda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee katirsan aqalka Congreska oo ah halka sharciyan laga maamulo shacabka wadankaas. Kulanka oo muda socday ayaa looga hadlayay labo qodob oo kala ah “ in xafiisyada dowladda ee xiran, shaqadoodana istaagtay dib loo furo, iyo in la meel mariyo miisaaniyadda lagu dhisayo ... Read More »

Boqollaal Askari oo katirsan ciidamada Maali oo megen geliyo siyaasadeed weydiistay Canada.

Dowladda Maali waxaa qabsatay arin fajaciso iyo layaab dhalisay, kadib markii ciidamo gaaraya boqollaal askari oo ay u dirtay dalka Canada si ay usoo qaataan tababar la xiriira waxa loogu yeero “ la dagaalanka Argagixisada” ay dowladda Canada waydiisteen magan geliyo siyaasadeed. Ciidamada magan geliyada siyaasadeed weydiistay dowladda Canada waxay tiradoodu gaareysaa 200 oo askari, waxaana dalka Canada loo geeyay ... Read More »

La taliyaha dhanka Amniga ee Trump oo ku laabtay Maraykanka, isagoo aan la kulmin Ordogan.

Magaalada Anqara ee caasimadda dalka Turkiga, waxaa maalmihii dambe booqasho ku joogay La taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Maraykanka, ninka lagu magacaabo John Bolton. La taliyaha Trump ayaa la kulmay dhigiisa wadanka Turkiga, waxayna kawada hadleen arimo dhowr ah oo la xiriira ka bixitaanka Maraykanka ee Suuriya, iyo masiirka malleeshiyaadka Kurdiyiinta oo ahaa xaliifka dowladda Maraykanka. Bolton wuxuu sheegay iney ... Read More »

Xammaas oo gacanta ku dhigtay tobanaan ruux oo Jawaasiis u ahaa maamulka Yahuudda.

Xarakada wax iska caabinta Xammaas ee ka dagaalanta dhulka Filastiin, ayaa ku dhawaaqday iney gacanta ku dhigtay shabakad jawaasiis ah oo la shaqeyneysay maamulka Yahudda. Wasaaradda arimaha gudaha ee Xammaas ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in gacanta lagu dhigay ugu yaraan 45 ruux oo Filastiiniyiin ah, kuwaas oo ku eedeysan iney jawaasiis u yihiin maamulka Yahuudda. Dadkan ... Read More »

Maamulka Afgembiga Masar oo dalkaas ka furay kaniisadda ugu weyn ee ku taalla dunida muslimka.

Cabdil-fataax As-siisi, hogaamiyaha Afgembiga maamulka Masaarida ayaa xariga ka jaray kaniisad weyn oo laga hirgeliyay wadanka Masar, taas oo loo dhisay Nasaarada Orthodox-ka ee ku nool wadankaas. Kaniisadan oo laga furay magaalada loogu magacdaray “caasimadda maamulka” ee ku taalla meel u dhow Al-Qaahira ayaa waxaa furitaankeeda kasoo qeybgalay xubno kala duwan oo ay ku jiraan baaderiyaasha Nasaarada Masar. Siisi ayaa ... Read More »

Maamulka Aala-Sucuud oo tarxiilay tobaneeyo ruux oo kasoo jeeda muslimiinta Rohingiya.

Muuqaal video ah oo uu baahiyay website wax ka qora mandiqadda loogu yeero bariga dhexe, ayaa waxaa lagu arkayaa dad gaaraya tobaneeyo ruux oo la sheegay iney kasoo jeedaan muslimiinta Rohingiya, kuwaas oo loo tarxiiliyo dalka Bangladesh. Dadkan oo dhamaantooda katiinadeysan, ayaa muuqaal qarsoodi ah oo laga duubay waxaa lagu arkayaa iyagoo ku sugan goob kamid ah magaalada Jiddah, islamarkaana ... Read More »