wararka

Wararka Dibada

Dagaallo khasaare badan dhaliyay oo magaalada Sancaa ee Yaman ku dhexmaray Xuuthiyiinta iyo malleeshiyaadka Cali Cabdalla Saalax.

Wararka ka imaanaya dalka Yaman Ee Jaziiradda carabta ayaa sheegaya in magaalada Sancaa ay marti gelisay dagaallo xoogan oo dhexmaray malleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta iyo kuwa Cali Cabdalla Saalax ee kuwada sugan magaalada. Dagaalka ayaa billowday kadib markii malleeshiyaadka Xuuthiyiintu damceen iney la wareegaan masjid lagu magacabo Al-Salaax oo ah masjidka ugu weyn guud ahaan dalka Yaman, kaas oo ay gacanta ... Read More »

Dowladda Imaaraatka Oo Is hor istaag ku sameysay qorshe  uu Ra’iisul wasaarihii hore Masar kaga bixi lahaa dalkaas.

Kalimad gaar ah oo uu baahiyay tvga afka dheer ee Aljazeera ee xaruntiisu tahay magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar, uuna jeedinayo ra’iisul wasaarihii hore ee Masar Axmed Shafiiq ayuu ku sheegay in loo diiday inuu ka baxo dalka Imaaraatka. Shafiiq oo dhawaan sheegay inuu u tartamayo doorashada sanadka 2018 ka dhici doonta dalka Masar ayaa maamulka Abuu Dubai wuxuu u ... Read More »

Wasiirkii Ilaalada Kacaanka ee Maamulka Aala-Sucuud oo Xabsiga laga soo daayay.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa sii daayay Amiir Mutcib bin Cabdillaahi oo dhawaan lagu xiray dhulka Xarameynka, kadib markii lagu eedayay inuu musuq maasuq sameeyey. haweeney kamid ah qoyska boqortooyada Aala-Sucuud ayaa barteeda twitterka ku xaqiijisay in lasii daayay walaalkeeda Mutcib bin Cabdillaahi. Warbaahinta reer galbeedka ayaa dhawaan sheegay in 6 amiir oo kamid ah kuwa la xiray ay la kulmeen tacdiib ... Read More »

Mid kamid ah Madaxda sar sare ee maamulka Aala-Sucuud oo magangeliyo siyaasadeed uu Fransiisku siiyay.

Xubnaha ku abtirsada qoyska Aala-Sucuud ee haya talada dhulka Xarameynka ayaa kala irdhoobay, wixii ka dambeeyay markii talada dalkaas uu la wareegay hogaamiyaha fud fudeydka badan ee Muxamed bin Salmaan. Xubnaha qoyska ayaa noqday wax la xiro, kuwa cararay, iyo qaar kaloo xabsi guri ku ah dhulka Xarameynka  lagana qaaday jagooyinkii sar sare ee ay ka hayeen maamulka Aala-Sucuud. Ilo ... Read More »

Dhagayso Xubinta Faa’iido 21.

Xubinta Faa’iido waa qeyb kamid ah barnaamijka Dhuuxa Waraysiyada ee Idaacadda Al-Furqaan. Qeybtan waxaa lagu soo qaadanaya qiso dhex martay Suleymaan Ibnu Cabdil Malk iyo Abuu Xaasim, waxaana jeedinaya Sheykh Maxamed Kaariye. Halkan ka dhagayso Qiso Dhex martay Sulaymaan ibnu Cabdilmalik iyo Abuu Xaasim Sh Maxamed Kaariye.lite Read More »

Booliiska Austerlia oo Gacanta ku dhigay Qof lagu eedayay qorsheynta Weerar.

Iyadoo bil iyo maalmo ay ka harsantahay dhamaadka sanadka miilaadiga, markaas oo wadamada Reer galbeedka lagu qabto xaflado iyo dabaal degyo la xiriira sanadka cusub ayaa dhanka kale waxaa taagan cabsi laga qabo weeraro ka yimaada dadka Muslimiinta. Booliiska dalka Austrlia ayaa gacanta ku dhigay wiil dhalinyaro oo 20 jir ah, kaas oo lagu eedayay inuu abaabulayay duulaan uu ka ... Read More »

Shirkadda Black Water oo Howlgallo ka wada dalka muslimka ah ee Liibiya.

Sida ay ogaatay majalladda Intelegence Online ee ka faalloota arimaha Sirdoonka iyo Mukhaabaraatka caalamka, shirkadda Black Water oo ah shirkad sumcad daran, islamarkaana xasuuqyo caalami ah ka fulisay wadamo badan oo Islaam ah sida Afqaanistaan, Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa howlgallo hadda ka wada dalka muslimka ah ee Liibiya. Aas-aasaha shirkadda Black Water ninka lagu magacaabo Ereck Prance ayaa hadda ku ... Read More »

Malleeshiyaadka Imaaraatka U shaqeeya oo Fal Naxdin leh ka sameeyey dalka Yaman.

Malleeshiyaadka lagu magacaabo Xisaamul Amniga oo ah malleeshiyaad uu aas-aasay Imaaraatka, kana amar qaata Muxamed bin Zaayid ayaa sii wada dhibaateynta dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Yaman. Guuto katirsan malleeshiyaadkan ayaa weerar ku qaaday guri ku yaala magaalada Laxaj, iyagoo isku dayay iney qabtaan qof muslim ah oo deganaa guriga. Qofkan ayaa markii ay ciidamadu damceen iney soo ... Read More »

Banaan baxyo waaweyn oo ka socoda dalka Pakistaan.

Waxaa maalmo xiriir ah dalka Pakistaan ka socoda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan dadka Muslimiinta ah, kaas oo oo looga soo horjeedo dowladda dalkaas ka arimisa, oo aflagaado iyo meel ka dhac ku sameysay Nabigeena Muxamed SCW. Banaanbaxyada ugu badan waxay ka socodaan magaalada caasimadda ah ee Islam-Abad, waxaana ka qeyb galaya kumanaan ruux, kuwaas oo kasoo horjeedo wasiiirka cadaaladda ... Read More »

TobanaanTahriibiyaal oo ku dhintay xeebaha badda Liibiya.

Maamulka ka jira dalka Liibiya ayaa shaaca ka qaaday in xeebaha dalka Liibiya ay ku dhinteen ugu yaraan 30 Ruux oo tahriiibiyaal Afrikaan ah, halka 200 oo kale lasoo badbaadiyay. Labo doon ayay saarnaayen dadka dhintay, iyo kuwa lasoo badbaadiyeyba, waxayna doomahaas ku gudoomeen meel 60KM u jirta magaala xeebeedka Dharaabulis ee casimadda dalka Liibiya. Dadka soo badbaaday waxaa la ... Read More »