wararka

Wararka Gudaha

Qabiilka Geeladle Ee Raxanweyn oo Doortay Ugaas Guud.(Sawirro)

Qabiilka Geeladle oo kamid ah beesha Raxanweyn, ayaa Khamiistii lasoo dhaafay munaasabad ka dhacday degaanka Madiinatul-kheyr, ku doortay Ugaas guud, taasoo ka dhigan iney hadda wixii ka dambeeya leeyihiin hogaan dhaqan oo ay ku mideysan yihiin meel walboo ay joogaan. Xafladda caleema saarka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka ... Read More »

Sarkaal Katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Afgooye Lagu dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye oo 30KM u jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas lagu dilay sarkaal sare oo katirsan sirdoonka dowladda. Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duleedka Afgooye waxay ku dileen Korneel Guudle Maxamed Nuur oo ahaa ku simaha taliyaha Nabadsugida magaalada Afgooye. Korneelka markii la dilay kadib waxaa laga qaatay gaari nooca ... Read More »

Human Rights Watch Oo Warbixin kasoo saartay Dhibaatada Kajirta Xabsiyada Itoobiya ee Soomaali-Galbeed.(Dhagayso)

Warbixin ay soo saartay waxa loogu yeero hay’adda xuquuqul Insaanka ee “Human Rights Watch ayaa lagu soo bandhigay tacadiyo iyo gaboodfallo sanado badan ay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaatka Soomaalida ee Lyu Police-ka kula kacayeen dadka Muslimiinta eek u nool gobolka Soomaali galbeed. Warbixintan oo ka kooban 88 page ayaa cinwaan looga dhigay “Tacadiyo ka jira xabsiga Soomaali-Galbeed” waxayna si qoto ... Read More »

Tobaneeyo Askari Oo lagu dilay Weerarkii Nawaaxiga Madaxtooyada iyo Qaar kamid ah Raggii Weerarka fuliyay oo Soo laabtay.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa Sirdoonka ayaa ku le’day howlgalkii maalintii shalay ay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen nawaaxiga Madaxtooyada Villa-Soomalia. Weerarka oo lagu daah furay qaraxyo waaweyn, islamarkaana rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada dowladda ee ilaalinayay madaxtooyada iyo xarumaha muhiimka ah ayaa khasaare adag lagu ... Read More »

Halkan ka dhageyso dhuuxa wareysiyada.

Barnaamijka dhuuxa wareysiyada idaacada Alfurqaan oo ah barnaamij xiiso leh oo idaacada ka baxa habeen kasta marka laga reebo habeenka ay soo galayso sabtida waxaa caawa lagu soo qaatay qodobo kala duwan ee kala deg linkiga hoose. Halkan kala deg dhuuxa wareysiyada 14 07 2018. Read More »

Xukun Qisaas ah Oo ka dhacay Jubbooyinka.

Maxkamadda ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee wilaayada Jubbooyinka ayaa xukun qisaas ah waxay ku fulisay labo ruux oo horay u dilay qof muslim ah oo kamid ah dadaka dega gobolkaas. Gaabow Yare Ibraahim iyo Maxamed Bashiir Cabdi ayaa lagu dilay fagaare weyn oo ku yaala magaalada Jilib ee wilayaada islaamiga ah ee Jubbooyinka. Waxay horey u dileen nin lagu magacaabo ... Read More »

DEG-DEG: Qarax Culus iyo Rasaas Laga maqlayo Nawaaxiga Madaxtooyada.

War goordhow kusoo dhacay warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu ku waramayaa in qarax aad u culus laga maqlay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa-Soomaaliya ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa waxay dadweynaha sheegayaan in jugtiisa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana loo maleynayaa inuu yahay qarax loo adeegsaday gaari miineysan. Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas ... Read More »

Nabadoon kamid ah Ergadii Soo Xulay Baarlamaanka Koonfur-galbeed Oo La Toogtay.

Cabdullaahi Maxamed Rooble oo kamid ah nabadoonnada soo xulay baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ayaa rag hubeysan waxay ku toogteen duleedka magaalada Muqdisho. Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ninkan beegsaday isagoo maraya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee dhaca duleedka Garasbaallay. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka  Cabdullaahi Maxamed Rooble. Magaalada Muqdisho waxaa marar ... Read More »