wararka

Wararka Gudaha

Halkan Ka Dhageyso Dhuuxa.

Barnaamijka Dhuuxa waxaa Caawa lagu soo qaatay qodobo ay kamid yihiin falanqeyn ku aadan dhaqdhaqaaq Ciidamada Kenya ka wadaan Galgaduud.Raashin laga qeybiyay Bay.Roobab ka da’ay Bakool. Qatarta saldhigga Milatari Turkiga ka furanayo Muqdisho iyo Qodobo kale. Halkan Ka Dhageyso Dhuuxa 26 03 2017 Read More »

Al-Qaacida oo ka hadashay Abaaraha Soomaaliya.

War kasoo baxay hogaanka Alqaacida ee guud ayaa looga hadlay abaaraha ku dhuftay gobollo kala duwan oo katirsan dalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab kuna hadasha Afka AlQaacida oo goordhow lagu baahiyay baraha Internetka ayaa looga hadlay abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya, waxaana hogaanka Alqaacida uu amaanay sida firfircoon ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ugu  gurmaneyso dadka ... Read More »

Al-Shabaab oo Muqdisho ku toogtay Sarkaal katirsan dowladda.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay howlgal lagu dilay Sarkaaal katirsan maamulka dowladda Federaalka. Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo CabdiRaxmaan Sheekh Axmed Calasoow ayaa ahaa Xoghaya maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Sarkaalkan waxaa lala dilay labo kamid ah Ilaaladiisa kuwaas oo xilliga la beegsanayay la saarnaa Baabuurka uu watay Xoghaya, waxaana sidoo kale jira gudoomiye waaxeed ku dhaawacmay ... Read More »

Daawo Hey’adda Al-Ixsaan Oo Raashin Ka Qeybisay Mudug.

Daawo Hey’adda Al-Ixsaan Oo Raashin Ka Qeybisay Mudug. Jamciyadda Kheyriga ah ee Al-ixsaan oo gurmad lixaad leh ka wada wilaayaadka islaamiga ah, ayaa raashin ka qeybisay degmada Xarardheere iyo tuulada Dumaaye oo ka wada tirsan gobolka Mudug. Sida laga dheehan karayo muuqaalka, waxaa raashinka loo qeybiyay dad boqolaal ah oo ay saameyn ku yeesheen abaaraha, kuwaasoo ay kamid yihiin waayeello. Read More »