wararka

Wararka Gudaha

Maamulka Aala-Sucuud Oo gebi ahaanba mamnuucay howlaha dacwda ee dhulka Xarameynka!.

Si lama filaan ah waxaa gebi ahaanba dhulkii dacwada iyo halkii ay kusoo degtay risaalada iyo waxyiga loo soo dhiibay Nabi Muxamed Sallaahu-caleyhi wasallam loga mamnuucay in lagu faafiyo diinta islaamka. Amar kasoo baxay wasaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta ayaa lagu sheegay in gebi ahanaba la joojiyay duruustii sharciga iyo muxaadaraadkii ka dhacayay masaajida ku yaala dhulka Xarameynka iyo maraakizta ... Read More »

Halkan ka dhageyso barnaamijka diirada jumcaha.

Deegaanka Tardo ee gobalka Hiiraan waxaa ka dhacay kullan ballaaran una dhaxeeyay wilaayada Hiiraan iyo Saddex jufo oo katirsan beesha xawaadle. shirka ayaa looga hadlay maleeshiyaad shaati beel huwan oo gadaal ay kasoo riixayso  xabashida itoobiya iyo jabuutiyaanka. Kulanka dhex maray jufooyinka beesha xawaadle iyo wilaayada ayaa looga hadlay ku dhaqanka shareecada islaamka iyo in maleeshiyaadka meel looga soo wada ... Read More »

Weerar Askar Kenyaati ah Lagu dilay Oo ka dhacay Gaarisa.

Dagaalyahanno katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gudaha dhulka ay Kenya xooga ku heysato ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ayaa weerar culus ku qaaday ciidamo katirsan dowladda Kenya. Ciidamada Mujaahidiinta oo aad u hubeysnaa islamarkaana qorsheeyay duulaankooda ayaa fara saaray ciidamada Kenyaatiga ee ku sugan deegaanka Haamey ee gobolka Gaarisa oo kamid ah gobollada NFD ee ku jira ... Read More »

Itoobiya oo beenisay in Imaaraatku kaalin ku lahaa heshiiska  ay la gaareen Ereteriya.

Iyadoo dhawaan heshiis ay gaareen dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya kaas oo soo afjaraya colaada tobanaan sano oo xiriir ah u dhexeysay labada dal ayay dowladda Imaaraatku sheegtay iney kaalin ku lahayd arintaas. Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha dibadda Anwar Qarqaash ayaa shaaca ka qaaday in Muxamed bin Zaayid uu kaalin weyn ku lahaa heshiiska ay gaareen Ereteriya iyo Imaaraatka. Anwar ayaa ... Read More »

Ciidamo katirsan Shisheeyaha Oo uu dagaal ku qabsaday Ceel-wareegow.

Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha oo ka ambabaxay deegaanka Shalambood ayaa la kulmay weerar kamiin ah oo ay u dhigeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Ciidamada Shisheeyaha oo kusii jeeday magaalada Muqdisho ayaa iyagoo maraya deegaanka Ceel-wareegow ee duleedka Marka waxay la kulmeen weerar culus oo uga yimid dhanka Mujaahidiinta. Dad Xog-ogaal ah oo aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in ... Read More »

Ciidamada Dowladda Oo qof Shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

Xaafadda Suuqa-Xoolaha ee degmada Huriwaa waxaa ka dhacay fal dil ah oo ay geysteen ciidamo katirsan dowladda federaalka. Ciidamada dowladda ayaa rasaas ay ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda Suuqa-xoolaha waxay ku dileen hal ruux, halka ay ku dhaawaceen mid kale. Dadka Xaafadda Suuqa-xoolaha ayaa hadda dhigaya banaanbax ay uga soo horjeedaan ciidamada dowladda ee dilka geystay. ... Read More »